Madaxweynaha JFS oo ku baaqay in meel looga soo wada jeesto dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta: DAAWO MUUQAAL

0
280

Madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Somalia, mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Dhuusomareeb ee xarunta Galmudug xalay kulan wadatashi ah oo looga arrinsaday dardar-gelinta dagaalka khawaarijta lagula jiro kula qaatay guddoonka iyo xildhibaanada BFS, siyaasiyiin iyo saraakiil ka tirsan ciidamada qaranka ee ka hawlgala furimaha dagaalka ayaa mar kale adkeeyay in ummadda Soomaaliyeed ay u midoobaan halka cadow ee dalkeennu leeyahay.

Madaxweyne Xasan ayaa si gaar ah uga digay in shabaabka loo raadiyo qiil, isaga oo xusay in kuwa daba socda shabaabka la qabtay ee oranaya ma ahan shabaab ee innagaa naqaan, ha ogaadaan buu yiri inay iyagu yihiin kuwa dadka Soomaaliyeed laynaya.

Sidoo kale, madaxweyne Xasan ayaa ayaa ku boorriyay xildhbaannada iyo guddoonka labada aqal ee baarlamaanka inay kaalin ka qaataan dagaalka lagula jiro khawaarijta, si dhibaatadooda ummadda looga dulqaado.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here