Duqa Caasimadda iyo Ra’iisul Wasaaraha Dalka oo xarigga ka jaray Waddada Taleex ee Degmada Hodan: SAWIRRO

0
414

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xamza Cabi Bare iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen jimcaale (Madaale) ayaa maanta xarigga ka jaray waddada Taleex ee degmada Hodan oo maamulka Gobolka Banaadir uu dhawaan dib udhis ku sameeyay, isaga oo kaashanaya maamulka degmada iyo bulshada deegaanka.

Xarig-jarkan waxaa goobjoog ka ahaa guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir, Guddoomiye ku-xigeenka hawlaha guud ee Gobolka Banaadir, Guddoomiyaha degmada Hodan iyo qaybaha bulshada rayidka.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen jimcaale (Madaale) ayaa sheegay in maamulka Gobolka uu ahmiyad gaar ah siinayo dib-u-dhiska waddooyinka Caasimadda iyo horumarinta bilicda magaalada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here