Ra’iisul Wasaare Xamse oo Daah-furay Imtixaanka Fasalka 12-aad ee Dugsiga Sare oo ay u Fariisteen in ka badan 39-kun oo arday: SAWIRRO + VIDEO

0
287

Ra’iisul wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa si rasmi ah u furay Imtixaanka Shahaadiga ee Fasalka 12-aad sannad dugsiyeedka 2024/2025, waxaana ku sugnaa munaasabadda furitaanka imtixaanka saraakiil ciidan, xildhibaanno iyo mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda waxbarashada xukuumadda Fedeaalka ah ee Soomaaliya.

Imitixaanka ayaa waxa uu socon doonaa muddo lix maalmood ah, waxaan uuna ka dhacayaa dalka oo dhan, iyadoo ay u fariisteen 39,397 arday, sidoo kale ilaalinta imtixaanka kormeerkiisa iyo habsami u socodkiisa waxaa ka ka qayb-qaadanaya 3000 oo isugu jira macallimiin iyo shaqaale ka tirsan wasaaradda waxbarashada.

Imtixaanka ayaa waxaa lagu galayaa 38 magaalo oo dalka oo dhan iyo gobolka Banaadir ah, waxaana in imtixaanka uu gaaro magaalooyinka caasimadda ka baxsan ka qaybqaatay diyaaradaha ciidanka xoogga dalka Soonaaliyeed iyo kuwa ciidamada Midowga Afrika. Iyada oo ay amniga imtixaanka ilaalinayaan 2000 oo askari oo booliis ah, si aan loo carqaldeyn.

Sidoo kale, imtixaanka ayaa waxaa lagu galayaa 140 goobood oo 64 goobood oo ka mid ah ay ku yaallaan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Ra’iisul Wasaare Xamseoo daah-furka imtixaanka kaddib hadlay ayaa yiri: “Marka laga yimaado amniga, dowladdu waxa ay xoogga saartay sidii ubadka Soomaaliyeed ay u heli lahaayeen waxbarasho tayo leh, horumarsan oo weliba la jaan-qaadaysa nidaamyada waxbarasho ee caalamka.”

Mudane Xamsa Barre, ayaa tilmaamay in xukuumaddu ay guulo wax-ku-ool ah ka gaartay dib-u-habeynta iyo horumarinta nidaamka waxbarashada dalka, iyadoo la gaarsiiyey deegaannadii laga sifeeyay Khawaarijta adeegyadii kala duwanaa ee ay waxbarashadu ka mid tahay, si looga hortago amni-darrada iyo jahliga.

Ugu dambeyn, Wasaaradda Waxbarashada ayaa u mahad-celisay dhammaan bahda waxbarashada ee ka qayb-qaatay in uu maanta furmo imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 12-aad ee dugsiga sare, kaasoo noqonaya sanadkii 10-aad oo ay dowladda fedeaalka ah qaadayso. Waxaana lagula dardaarmay adayda inaysan jabin xeerarka u yaalla imtixaanka.



LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here