Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden ayaa muddo hal sano ah ku kordhiyay xaaladda deg-degga ah ee ku saabsan Soomaaliya, sida uu warbaahinta u sheegay.
“Xaaladda ku saabsan Soomaaliya waxa ay sii ahaanaysaa khatar aan caadi ahayn oo ka dhan ah amniga Qaranka iyo siyaasadda arrimaha dibadda ee Maraykanka,” ayuu Biden ku sheegay hadal uu u jeediyay Congress-ka.
Falalkii joogtada ah ee burcad badeedda ee xeebaha Somalia iyo xadgudubyada cunno-qabateynta hubka ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu saaray Soomaaliya ayaa horseeday in lagu dhawaaqo xaaladran deg-deg ah.
Sannadkii 2012-kii, waxaa la qaaday tallaabooyin la xiriira dhoofinta dhuxusha, taasoo dhaqaale ballaaran ka soo geli jirtay Al-Shabaab oo ku eedeysan ku takri-falka hantida dadweynaha Soomaaliyeed iyo falal ka dhan ah dadka rayidka ah.
Dowladda Soomaaliya ayaa bilihii la soo dhaafay kordhisay weerarrada dhanka ka ah Al-shabaab, iyadoo taageero ka heleysa dadka deegaanka.
Ugu dambeyn, Tallaabadan ayaa qayb ka ahayd dhawr go’aan oo uu qaatay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo markii uu xafiiska la wareegay ballan qaaday in la dagaalanka Argagixisada uu udub dhexaad u noqon doono dadaallada lagu xasilinayo Afrika.













