Taliyaha dhawaan la Magacaabay ee ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo Xilka la Wareegay: MUUQAALLO

0
525

Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Macallin Maxamuud ayaa xilal u kala wareejiyay ku-simihii ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Jen. Cabdikariin Cali Afrax iyo taliyaha cusub ee la magacaabay Jen. Mahad Cabdiraxmaan Aadan.

Munaasabadda xil-wareejinta ah ayaa waxaa ka qayb-galay xildhibaanno iyo saraakiisha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.

Wasiirka Cadaaladda Xasan Macallin ayaa bogaadiyay ku-simihii taliyaha ciidanka Asluubta Jen. Afrax sida hawsha uu u waday intuu uu joogay taliska, sidoo kale wuxuu sheegay in taliyaha cusub Jen. Mahad uu yahay nin shaqadaan yaqaan horena u soo qabtay xilka wax badanna ay ka filyaan.

Ugu dambeyn, Saddax maalmood ka hor ayay golaha Wasiirada Somalia waxay u magacaabeen Jen. Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo ka mid ahaa xildhibannada baarlamaanka Somalia in uu mar kale noqdo  taliyaha ciidanka Asluubta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here