Ra’iisul Wasaaraha Somalia iyo Wafdi uu Hoggaaminayo oo u Ambabaxay Kuuriya oo kaga qayb-galayaan shir Muhiim ah: SAWIRRO

0
223

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta ka ambabaxay dalka, iyaga oo ku sii jeeda magaalada Seoul ee caasimadda dalka Kuuriyada Koonfureed oo ay uga qayb-gali doonaan shir madaxeedka Jamhuuriyadda Kuuriya iyo Afrika oo qabsoomaya 4 – 5 Juun.

Shirkan oo ay ka qaybgeli doonaan madax ka socota Bangiga Adduunka ayaa looga hadli doonaa xoojinta xiriirka Kuuriyada Koonfureed iyo dalalka Afrika, horumarinta iskaashiga dhaqaale ee labada dhinac u dhexeeya, xoojinta farsamada iyo tiknolojiyadda iyo isbedelka cimilada caalamka oo waayadii dambe ahaa ajnade weyn oo dunida oo dhan ay ka hadlaysay.

Waxaa kale oo shirka looga hadli doonaa sidii Afrika looga caawin lahaa; arrimo ay la mid yihiin: cuno-yarida, caafimaad-darrada iyo tamarta ama korontada si Qaaraddu ay awood ugu yeelato inay soo saarto khayraadka ku aasan dhulkeeda.

Sidoo kale, Qodobbada diiradda lagu saari doono shirka waxaa ka mid ah; sidii Afrika ay uga faa’iideysan lahayd awoodda dhallinyaradeeda, maadaama dadka ku nolol qaaradda oo tiradooda lagu sheegay 1.4 Bilyan ay 60% yihiin dhallinyaro 25-sano ay da’doodu ka hoosayso. Afrika ayaa laga caawin doonaa sidii loogu dhisi lahaa warshado ay kusoo saarto khayraadka dhex-ceegaaga.

Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa shirka ka jeedin doona khudbad kaga hadlayo horumarka ay sameysay XFS intii ay jirtay, sida amniga, horumarka dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada. Waxa kale oo uu inta uu madasha shirka uu joogo uu la kulmi doonaa madaxda ka socda dalalka Afrika, isaga oo kala hadli doonaa iskaashiga dhaqan-dhaqaale iyo midka siyaasadeed ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo dalalka ay ka socdaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here