Duqa Muqdisho oo kulan looga hadlay xiijinta amniga Caasimadda la yeeshay Saraakiisha Hay’adaha Amniga: SAWIRRO

0
376

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo uu wehliyo guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda, mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa kulan loogu hadlayay dar-dargelinta amniga Caasimadda la qaatay saraakiisha laamaha amniga.

Taliyaha qaybta guud ee booliska gobolka Banaadir, taliyaha hay’adda sirdoonka iyo babadsugidda gobolka Banaadir iyo saraakiisha ciidanka Police Millitary ayaa duqa Xamar ugu warbixiyay hawlgallada xasilinta Caasimadda iyo sida ay ugu diyaarsan yihiin dar-dargelinta amniga gobolka Banaadir si loogu hortago dhagarta cqdowga.

Ugu dambeyn, Duqa Muqdisho mudane Yuusuf Madaale ayaa saraakiisha laamaha amniga kula dardaarmay in la dardargeliyo hawlgallada lagu sugayo amniga guud ee Caasimada, la-dagaalanka maandooriyaha iyo tabo kasta oo cadowgu ku dhibaateyn karo nafta iyo maalka shacabka Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here