Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta xarigga ka jaray xarunta dhaxe ee Waaxda Dad-dhigista Dowladda Hoose ee Xamar oo lagu sameeyay dib u habeyn ballaaran, iyada oo lagu soo kordhiyay agabyo casri ah oo muwaadiniinta Soomaaliyeed u fududeynaya helidda adeegyada ay u baahan yihiin, waxaana xarig-jarkan goob-joog ka ahaa guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh).
Xaruntan ayaa ka mid ah goobaha ugu mashquulka badan oo ay dowladda hoose ee Xamar ugu qidmeyso bulshada Caasimadda waxaana si maalin la ah u yimaada in ka badan kun qof, kuwaas oo ka kala yimaada degmooyinka Muqdisho.
Agaasimaha Waaxda Dad-dhigista DHX, Mudane Cabdirashiid Waddaad-yare ayaa sheegay in muddo kooban ay ku fuliyeen mashaariic waxtar leh oo ay ka mid tahay dib-u-dhiska xaruntan iyo in degmooyinka loo daadajiyay adeega warqadaha dhalashada iyo sugnaanta.
Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ku bogaadiyay agaasinka iyo hawl-wadeennada Waaxda Dad-dhigista sida u hufnaanta leh oo ay dardar-galiyeen horumarinta waaxdan.


























































