Allaha u naxariistee Macallin Xasan Axmed Yare oo Sodog u ahaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ku geeriyooday dalka Masar, waxaana lagu in maydkiisa maanta la keeno Muqdisho si loogu aaso.
Marxuumka oo dalka Masar loo geeyay caafimaad ayaaa geeriyooday, waxaana lagu wadaa inay janaasadiisa ka qayb-galaan mas’uuliyiinta sare ee dalka, sidoo kale ka qaybgalaya mas’uuliyiinta Gobolka Banaadir iyo xubno ka socda bulshada qaybaheeda.
Guddoomiye Madaale ayaa waxaa geerida sodoggiis uga tacsiyeeyay ku xigeennada Gobolka sida; Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda, Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), ku xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda, mudane Ciise Guure, ku xigeenka Hawlaha Guud, Maxamed Xasan Jimcaale, ku xigeenka Arrimaha Bulshada, mudane Cabdicasiis Cusmaan, xoghayaha guud ee gobolka Banaadir, mudane Faysal Carraale agaasimayaal iyo xubno kale oo ka tirsan shaqaalaha gobolka Banaadir.













