Warbaahin u gaar ah haweenka oo laga furayo Muqdisho

0
456

Hay’adda UNDP iyo Dalsan Media Group ayaa ku hawlan aasaaska Qaybtii ugu horreysay oo warbaahineed oo dumar keliya ay ka shaqeeyn doonaan.

Qeybtaan Warbaahineed ee cusub ee haweenka Soomaaliyeed waxaa ka howlgali doona oo maamuli doona gabi ahaan haween saxafiyiin ah, waxayna soo saari doonaan warbixinnada TV-ga, Raadiyaha iyo Qoraallo la daabaco. Hal tifaftire iyo shan wariye ayaa ka shaqeyn doono soo saarista iyo go’aan ka gaarista warbixinada la tabinayo iyo qaabka loo diyaarinayo, iyada oo diiradda lagu saarayo arrimaha bulashada ee u baahan in la soo bandhigo.

Qaybta Warbaahinta Haweenka ee cusub, waxa ay hadda shaqaaleysiineysaa 5 wariye iyo hal tifaftire oo dhammaan dumar ah, sidaasi darteed waxaan idin kaga mahadcelineynaa in aad la wadaagtaan xayaysiiskaan shaqo warbaahinta kale ee aad shaqo wadaagga tihiin.

Shaqooyinka waxaad ka eegi kartaa: https://www.facebook.com/dalsantv/posts/1002920383705307

Qaybtani loogu talagay haweenka saxafiyiinta ah, waxay ku dhex-taalaa warbaahinta Dalsan Media Group, dhammaan warbixinada ay soo saaraana waxaa laga sii deyn doonaa warbaahinta Dalsan, haweenka saxafiyiinta xirfadlayaasha ah waxay u madaxbanaan yihiin barnaamijyada ay soo saaraan, iyaga oo xor ka ah cagajugleyn isla markaana shaqadooda u gudanaya si mas’uuliyad ku dheehantahay.

Qeybtan ayaa sidoo kale siin doonta fursado tababar (internship) oo lix bilood ah oo loogu talagalay ardayda sannadka ugu dambeeya ee saxaafadda ee wax ka barta laba jaamacadood oo ku yaalla magaalada Muqdisho.

Waxaan rajaynaynaa in tani ay noqoto mid wax badan ka beddesha mihnadda warbaahinta Soomaaliyeed, oo u furi doonta fursadaha cusub ee haweenka saxafiyiinta ah iyo iftiiminta mowduucyo cusub.

Faahfaahin dheeraad ah ayaa ku jirta lifaaqa hoose👇🏿. Waxaan filaynaa in shaqadani bilaaban doonto bisha Maarso, wixii kale ee ku soo kordha waan idin la socod siin doonaa.

*Si aad wax badan uga ogaato mashruuca, fadlan la xiriir:*

Robert Few, UNDP Somalia Communications +252 614 125 046

Ilyas Ahmed, UNDP Somalia Communications + 252 619 288 867

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here