Guddoomiyaha G/Banadir ahna Duqa Muqdisho oo Munaasabad Boondheere uga Qeyb galay+Sawiro

0
647

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa xarunta degmada Boondheere maanta uga qeyb galay xuska 79-guuradii kasoo wareegtay aas-aaskii ururkii Gobonima doonka Soomaaliyeed ee 13-SYL oo ku beegan 15-ka May.

Degmooyinka Bartamaha ee kala ah Cabdicasiis, Xamar Weyne, Warta Nabada shigaani iyo Boondheere ayaa soo qaban qaabiyay munaasabadan lagu maamusayay Halgankii guusha dhaliyay ee Ummada Soomaaliyeed u horseeday xurnimada iyo qaranimada ay maanta ku taagan tahay, halgan kaas oo ay hormuud ka ahaayeen dhallinyaradii SYL oo ka koobnaay 13 qof.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here