Duqa Muqdisho iyo Taliyaha Booliiska oo Kormeeray qaar ka mid ah Degmooyinka Muqdisho: SAWIRRO

0
338

Guddoomiyaha Gobobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) iyo Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed, Jen. Sulub Axmed Firin oo ay wehliyaan guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir iyo taliyeyaasha qaybta guud ee booliska iyo nabad-sugida Gobolka Banaadir, ayaa xalay kormeeray degmooyinka xiga qaybta Bari ee Caasimadda, gaar ahaan saldhigyada booliiska degmooyinka Yaaqshiid iyo Kaaraan.

Kormeerkan ayaa ujeedkiisu ahaa u kuur-gelidda fulinta amarkii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliya, mudane Xasan Sheekh Maxamuud ee la xariiray inaan hubka culus lagu wadan karin gudaha Caasimadda, isla markaana ciiddii fulin wayda sharciga la horgeyn doono.

Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Madaale iyo taliyaha booliiska Jen. Sulub ayaa faray saraakiisha amniga iyo maamulada degmooyinka inay si wadajir ah u wada-shaqeeyaan lana xoojiyo hawlagallada sida joogtada ah uga socda xaafadaha iyo waddooyinka Caasimadda, si amniha guud ee loo adkeeyo.

Ugu dambeyn, Laba Habeen ka hor ayay ahayd markii Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), ku xigeenkiisa Amniga iyo Siyaasadda, Mudane Maxamed Yabooh iyo Taliyaha Booliiska Soomaaliyeed Jen. Sulub Axmed Firin ay kormeer noocan oo kale ah ay ku tageen degmooyinka dhaca Galbeedka Xamar, gaar ahaan Kaxda iyo Dharkeynley.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here