Guddoomiye Madaale oo lacago ay ku ciidaan u qaybiyay Boqolaal qoys oo danyar ah: SAWIRRO

0
478

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta ciid-siiyay 314-qof oo ka koobnaa qoysaska danta yar iyo dadka baahiyaha gaarka qaba, kuwaasoo ka kala socday degmooyinka Gobolka Banaadir.

Deeqdan lacageed ee Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Madaale uu gaarsiiyay qoysaska danta iyo dadka baahiya gaarka ah qaba ayaa loogu tala-galay in ay uga faa’iideystaan ka qayb-qaadashada farxada Ciidul Fidriga, iyada oo qorshuhu yahay in tira 2-kun oo qof ah la gaarsiiyo deeqdan lacageed.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ana Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa bulshada Soomaaliyeed iyo dadka Alle wax siiyat ugu baaqay inay garab-istaagaan oo ay xasuustaan dadka danta yar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here