MUDANE C/CASIIS: Waa wax lagu farxo in Ardaydii u horreysay ay ka qalin-badasheen Kulliyadda Af Soomaaliga: SAWIRRO

0
350

Jaamacadda Green Hope ayaa maanta waxaa ka qalin-jabiyay Dufcaddii 11-aad ee heerka 1-aad (Bachelor) iyo heerka 2-aad (Master) ee waxbarashada, waxaana munaasabadda qalin-beddelashada lagu qabtay Tiyaatarka Qaranka, iyadoo ay ka qayb-galeen mas’uuliyiin ka kala tirsan Dowladda Hoose iyo Dowladda Dhexe ee Soomaaliya.

Guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada iyo wacyi-gelinta maamulka Gobolka Banaadir, Cabdicasiis Cismaan Maxamed oo xafladda ka hadlay ayaa sheegay in ardaydii qalin-jabiyay ay ku jiraan kuwo kuwo ka baxay kulliyadda Afka iyo Suugaanta Soomaalida.

“Waxa aaan u hambalyeynayaa dhammaan ardayda ka qalin-badalanaya kulliyadaha kala duwan ee Jaamacadda Green Hope. Waxa aan si gaar ugu faraxsanahay in ay ku jiraan arday Afka Soomaaliga ku takhasusay,” ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka Arrimaha Bulshada ee Gobolka Banaadir.

Ugu dambeyn, Maamulaha Jaamacadda Green Hope, Prof. Xuseen Faarax Tooxow ayaa ka warbixiyay ardaydii ugu horreysay ee Afka Soomaaliga ee Jaamacadda Green Hope ka qalin-jabinaya, waxa uuna xusay in kulliyaddan ay tahay middii ugu horreysay ee dalka laga hirgeliyay tan iyo markii uu dalku burburay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here