Maamulka G/Banaadir oo uga digay xafiisyada bixiya adeegga bulshada in Musuqmaasuq ay ku kacaan: MUUQAAL

0
316

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in ay ka go’an tahay la dagaalanka musuq-maasuqa iyo in si adag loola xisaabtami doono xafiis kasta oo ku kaca musuq-maasuq iyo wax is-dabamarin.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa faray agaasinka kala duwan iyo howl-wadeennada Dowladda Hoose ee Xamar iyo maamullada degmooyinka Gobolka Banaadir in ay ka fogaadaan fal kasta oo musuqmaasuq la xariira.

Ugu dambeyn. Duqa Muqdisho ayaa ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed in ay soo gudbiyaan fal kasta oo musuqmaasuq la xariira oo ay kala kulmaan adeegyada uu buxiyo maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose Xamar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here