Guddoomiye Madaale oo Aqalka Dowladda Hoose Xamar ku qaabilay Wafdi ka socday Dowladda Cumaan: SAWIRRO

0
395

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ku qaabilay wafdi ka socda Dowladda Cumaan oo marti-qaad rasmi ah ka haysta maamulka gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar.

Wafdigan oo uu hoggaaminaayo xoghayaha guud ee madxafka Qaranka Cumaan, mudane Jamaal bin Xasan bin Xuseen Al-Muuse iyo Duqa Muqdisho ayaa kawada hadlay soo nooleynta xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada dal iyo sidii Dowladda Cumaan ay gacan ugu geysan lahayd dib-u-dhiska goobaha taariikhiga ah ee Magaalada Muqdisho.

Ugu dambeyn, Kulankan waxaa goobjoog ka ahaa guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada iyo wacyigelinta maamulka gobolka Banaadir, mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda Cumaan, ganacsato iyo khabiir ku takhasusay arrimaha geeska Afrika oo ka tirsan Dowladda Cumaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here