๐ฅ๐ฎโ๐ถ๐ถ๐๐๐น ๐ช๐ฎ๐๐ฎ๐ฎ๐ฟ๐ฒ ๐ซ๐ฎ๐บ๐๐ฒ ๐ข๐ผ ๐๐ฎ๐ฟ๐ฎ๐ ๐ช๐ฎ๐๐ถ๐ถ๐ฟ๐ฟ๐ฎ๐ฑ๐ฎ ๐๐ป ๐ฆ๐ถ๐ฑ๐ฎ ๐๐ด๐ ๐๐ต๐ฎ๐พ๐๐ฎ๐ต๐ฎ ๐๐ฎ๐ฑ๐ฎ๐ป ๐๐ผ๐ผ ๐๐ต๐ฎ๐บ๐บ๐ฒ๐๐๐๐ถ๐ฟ๐ผ ๐ฆ๐ต๐๐ฟ๐๐๐ฐ๐ฑ๐ฎ ๐๐ผ๐ฟ๐๐ฒ๐ฏ๐ถ๐ป๐๐ฎ ๐ ๐น๐ฒ๐ต ๐๐ฎ๐ฟ๐ป๐ฎ๐ฎ๐บ๐ถ๐ท๐ธ๐ฎ ๐๐ฒ๐๐ป ๐๐ฎ๐ณ๐ถ๐ป๐๐ฎ
Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane Hamza Abdi Barre oo maanta guddoomiyay shirka dib u habeynta dhaqaalaha ayaa si qota dheer uga hadlay muhiimadda uu hannaanka deyn cafintu u leeyahay horumarka dalka iyo gaaridda isku filnaashno dhaqaale.
Raโiisul Wasaaraha ayaa wasiirrada ku boorriyay inay xoogga saaraan sidii dhammaan sharciyada hortebinta u leh deyn cafinta la dhammeystiro oo baarlamaanka la marsiiyo ugu dambeyn dhammaadka sanadkaan si shuruudaha xilligaan ku xiran ay Soomaaliya u buuxiso looguna gudbo shuruudaha xigaโฆ
Mudane Xamse Cabdi Barre waxuu caddeeyay in xoojinta isla xisaabtanka iyo hufnaanta ay qeyb weyn ka qaadanayaan qorshaha horumarinta dowladnimada ee xukuumaddu waddo, waxuuna dhammaan wasaaradaha iyo heyโadaha kale ee uu khuseeyo barnaamijka deyn cafinta ay si dhaw isaga kaashadaan ka guul gaaridda dadaallada socda.
Raโiisul Wasaaraha ayaa sidoo kale amray wasiirrada inay si xooggan ula dagaalaan musuqa si loogu guuleysto daahfurnaan iyo hufnaan horseedda in ay sare u kacdo heerka aaminaadda bulshada iyo dhammaan daneeyaasha arrimaha Soomaaliya.
Ka guul gaaridda barnaamijka deyn deyn cafinta dalka ayaa horseedaya in dhammaan heyโadaha maaliyadda adduunyadu ay aamintaan dalkeenna, la helo maal-gelin heer caalami ah, abuurmaan shaqooyin badan oo dhallinyarada fursad siinaya, si wax-soosaarka guduhu uu sare u koco, dhaqaalaha dalkuna uu kobco.
—DHAMMAAD—-













