Isdiiwaan Galinta Musharaxiinta Madaxweyne oo Maalintii labaad ka socota Muqdisho

0
57

Guddiga isku-dhafka ah ee doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maalintii labaad Xarunta Aqalka sare ka wada Diiwaangelinta Musharaxiinta u tartamaya Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Xubanaha Guddiga aya shalay Diiwaangeliyay 10-Musharax kuwaas oo buuxiyay shuruudihii looga baahnaa,waxaana lagu wada in maanta xarunta ay ka socoto diiwaangelinta in ay garaan Masharaxiin kale oo u taagan qabashada xilka ugu sareeya dalka ee Madaxweynaha 10-Aad ee Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Murashax Madaxweyne Dr.Saciid Ciise Maxamuud ayaa qaatay shahaadada murashaxnimada Madaxweynaha 10-Aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamed Cabdi ayaa sidokele isna qaatay shahaadada murashaxnimada madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa kale manta qatay shahaadada murashaxnimada madaxweynaha soomaaliya Fowsiya xaaji aadan oo mar aheyd Ra’iisul wasaare ku xigeen iyo wasiirka arimah debedda Soomaaliya.

Waxa kale oo maanta is diiwaan geliyey Murashax Madaxweyne Muqtaar Maxamed Siyaad.
Diiwaangelinta musharrixiinta Madaxweynaha ayaa socon doonta ilaa 10 Bishaan, waxaana xilka madaxweynaha u tartamaya musharaxiin badan oo hami kaga jiro xilka ugu sarreeya dalka.

15 Bishaan ayaa loo asteeyay inay dhacdo doorashada Madaxweynaha Soomaaliya, sida ay guddiga doorashada horay u shaaciyeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here