Taliska Booliiska Gobolka Banaadir oo gacanta ku dhigay shabakad looga shakiyay Wax-isabamarin

0
293

War-saxaafadeed kasoo baxay ciidanka Booliiska Gobalka Banaadir ayaa lagu sheegay in hawlgal qorsheysan oo laga fuliyey garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho gacanta lagu soo dhigay 5-sarkaal oo ka mid ah shabakad ballaaran oo booliisku uga shakisan yahay inay musuq-maasuq iyo wax-isdabamarin ka dhex wadeen xafiisyada maaliyadda iyo lacag-qabashada guud ee adeegyada dadweynaha ka bixiya garoonka AAIA.

“Shabakaddan waxay ku eedeysan tahay inay been-abuureen buugaagta iyo warqadaha lacag-qabashada guud ee dowladda, ayna lunsataya dakhli dowladdu leedahay oo ka yimaada fasaxyada shaqada (Work permit), buugta iyo warqadaha been abuurka ah oo ay kooxdu ku lunsanayadeen, kuna boobeen lacagta iyo hantida dadweynaha,” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay booliiska Gobolka Banaadir.

Sidoo kale, Qoraalla ayaa lagu sheegay in xafiiska xeer-illaaliyaha Qaranka oo kiiskan kooxdan la wareegay uu diyaarinaya dacwad-oogista eedeysanayaasha, iyada oo xubnaha hadda ku jira gacanta dowladda iyo kuwo ku lugta lehba ay wajihi doonaan caddaaladda.

Ugu dambeyn. War-saxaafadeedka ka soo baxay Ciidanka Booliiska gobolka Banaadir ayaa ku daba-jira xubno kale oo ka tirsan shabakaddan ku eedeysan musuq-maasuqa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here