Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho oo ka mid ah wufuudda caalamiga ah ee lagu casuumay madasha magaalooyinka adduunka ee 12-aad ayaa hadal-jeedin ka sameeyay munaasabadda Isbaheysiga duqoowda magaalooyinka ee dhinaca ka faa’ideysiga tiknoolajiyada.
Duqa Muqdisho ayaa ku dheeraaday horumarrada tiknoolajiyadeed ee ka jira dalka Soomaaliya gaar ahaan sida ay Dawladda Hoose ee Muqdisho u adeegsato, isagoo xusay in tiknoolajiyada loo adeegsado adeegyada dadweynaha iyo hanaanka dakhli aruurinta, taasi oo xoojiso waxqabadka iyo isla-xisaabtanka Maamulka.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa codkiisa ku biiriyay muhiimadda ay leedahay adeegsiga iyo ka faa’iideysiga tiknoolajiyada, si loo tayeeyo adeegyada dadweynaha oo lagu horumariyo magaalooyinka adduunka.















