Ra’iisul Wasaare Xamse iyo Guddoomiye Amiir oo ka Qeybgalay Afur Wadareed lagu qabtay Degmada Warta Nabadda: SAWIRRO

0
162

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya, mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka qeybgalay kulan afur wadareed ah oo lagu qabtay degmada Warta Nabadda ee magaalada Muqdisho, waxaa goobjoog ka ahaa afurkan xubno ka tirsan golaha wasiirrada XFS, xildhibaano iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, mudane Maxamed Axmed Amiir.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku ammaanay shacabka iyo maamulka degmada Warta Nabadda sida ay isugu tashadeen, isla markaana ay ugu shaqeeyeen horumarka kaabayaasha bulshada oo ay ugu horreeyaan dhismaha waddooyinka, taas oo qeyb weyn ka qaata bilicda, horumarka iyo amniga caasimadda.

Sidoo kale. Waxa uu boogaadiyay ciidanka xooga dalka iyo kuwa deegaannada ee dagaalka sifeynta khawaarijta ka wada gobollada dalka, isaga oo shacabka ugu baaqay in si wadajir ah loogu shaqeeyo amniga guud ee dalka iyo diyaar-garowga doorasho qof iyo cod ah oo ka dhacda dalka, si bulshada ay u soo doortaan cidda hoggaaminaysa.

Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir, mdane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), guddoomiyaha degmada Warta Nabadda marwo Seynab Maxamuud Warsame Xaabsey, saraakiisha amniga caasimadda, agaasimeyaal, odayaal-dhaqan iyo qeybaha bulshada ayaa goobjoog ka ahaa afur wadareedkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here