Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku nool Caasimadda dalka ugu hambalyeeyay bilasha bisha Shawaal ee Ciidul-fidriga, isagoo u rajeeyay inay caafimaad ku ciidaan.
“Waxa aan Shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku nool Caasimadda ugu hambalyeynayaa Ciidul-fidriga oo ku beegan maalinta berri ah, waxaana idiin rajeynayaa inaad nabad iyo baraare ku ciiddaan” ayuu yiri Guddoomiye Sheekh Yuusuf.
Sidoo kale, Duqa Muqdisho ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ka qayb-qataan sidii dadka aan wax haysan looga farxin lahaa, si ay ciidda uga qayb-qaataan.
“Allaha naga aqbalo Acmaashii aan soo gudannay Ramadaanka. Waxa aan idin kugu baaqayaa in aad ka qaybqaadataan sugidda amniga inta lagu jiro maalmaha ciidda, si aanay dhagar-qabayaashu dhibaato ugu geysan shacabka farxadda ku ciidaya” ayuu ku daray hadalkiisa.
Ugu dambeyn, Guddoomiye Madaale waxa uu Ummadda Soomaaliyeed u rajeeyay in ciiddan teeda kale ay ku gaaraan bashbash iyo barwaaqo.













