VIDEO: Duqa Muqdisho oo boqollaal shacab ah Salaada Ciida kula oogay fagaare ku yaalla Degmada Kaaraan: SAWIRRO

0
316

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa boqollaal shacab ah maanta Salaadda Ciidul Fitriga kula tukaday degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir.

Waa markii ugu horreysay oo Duq Magaalo uu boqollaal shacab ah salaadda ciidda kula oogo meel fagaare ah, iyadoo tallaabadan ay soo dhaweeyeen shacabka Caasimadda ku nool.

Salaadda ayaa waxaa Duqa Muqdisho kala qayb-galay Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir, Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta, Taliyaha Qaybta Guud ee Booliiska Gobolka Banaadir, Guddoomiyeyaal degmo, xubno ka tirsan mas’uuliyiinta maamulka Gobolka Banaadir iyo Laamaha Ammaanka.

Dhanka kale, Shacabkii Salaadda wax ka oogay ayaa si weyn ugu farxay inay la tukadaan Guddoomiyaha Gobolka iyo ku-xigeennadiisa, iyagoo sheegay in tani ay ka marqaati kacayso amniga degmada ka jira.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here