Shacabka Muqdisho, Maalinta Ciidda iyo Madaale!! (Warbixin gaar ah)

0
321

Waxa uu salaaddii ciida kula oogey meel fagaare boqolaal dad ah, waxa uu noqonayaa inta la xasuusto duqii ugu horreeyay ee meel banaan salaad ciid ah shacabka la tukada. Sanadkii 2000, Madaxweyne C/Qaasim Salaad Xasan ayaa boqolaal reer Muqdisho ah salaadda ciida kula oogey Muqdisho Stadium isagoo weliba imaan noqday.

Waxa uu jeediyay kalmado ka hadlaya munaasabadda ciidda iyo fadligeeda, isaga oo kula dardaarmay shacabka in ay ka war hayaan kooda liita, kuna boorriyay dadka in ay gacan siiyaan ciidamada amniga. Kaddibna waxa uu si hoose u wareystay odayaasha iyo dhallinyarada.

Salaadda kaddib, Duqa Muqdisho waxa uu xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar lacag xaqal ciid ah ku siiyay qaar ka mid ah shacabka aan walaalaha nahay ee Yeman oo ku nool caasimadda. Waxa uu ballan-qaaday in uu guryo u kireyn doono qoysaska Yemaniyiinta ah ee aan iska bixin karin ijaarka, waxa kaloo uu nin waayeel ah oo sanbabada ka xanuunsan u ballan-qaaday in caafimaad dalka dibaddiisa ah u diri doono kaddib markii uu sheegay in xaaladdiisa caafimaad wax looga qaban waayay Soomaaliya.

Intaa kaddib; Waxa uu socod ku maray xeebta Liido si uu ula damaashaado caruur, haween, dhallinyaro iyo waayeel u soo tamashle tagay xeebta Liido oo mashquul badan marka la gaaro maalmaha Jimcaha, weliba maanta waxa ay ahayd Jimco kusoo beegantay maalinta 1-aad ee ciidul fidriga.

Isaga oo u garab-raaricinaya muujinayana dareen waalidnimo, waxa uu marxabeeyay oo gacan qadaayayey caruurta si uu ugu muujiyo in uu yahay Aabbe. Waxa uu u istaagayay qof walba oo ka dalbada in uu masawir la galo.

“Alxamdulilaah, maanta waxa aan masawir la galay duqa Muqdisho,” waxa sidaas yiri wiil dhallinyaro ah oo ka mid ahaa dadkii u soo dalxiiska tagay Liido oo Duqa gacan qaaday.

Sidoo kale, Waxa uu bartamaha xeebta Liido wareysi ku siiyey TV-ga RTN kaddib markii ay waydiisteen in uu wareysi siiyo, waxaa wax laga waydiiyay amniga magalaada, gaar ahaan degmada Kaaraan, waxa uuna sheegay in sidii loo keenay ciidamada millatariga ee sida booliiska u tababaran ay xaaladdu caadi ku soo noqotay.

Waxa uu muuqaal la galay isagoo aad u faraxsan dhallinyaro TikTok-ley ah si uu u dhiirrigeliyo. “Maanta barteenna Tiktok waa kala kacsan tahay, waayo waxaa muuqaalka nagu wehliya duqa magalaada Muqdisho,” ayuu yiri mid ka mid ah dhallinyaradii Tiktokl-eyda ahayd. Waxa uuna intaas ku daray: “La-kulanka Duqa waxa uu fududeynayaa inaan helno daawadayaal badan.”

Salaaddii Jimacaha oo uu ku oogay meel aan ka fogeyn xeebta Liido kaddib; waxa uu jeediyay khudbad dhinacyo badan, waxa uu farriin u diray waaliddiinta Soomalaiyeed, waxa uuna ku boorriyay in ay carruurtooda ka war hayaan oo ay la socdaan waxyaabaha ay ku hawlan yihiin. Waxa uu ku dheeraaday dhibaatada maandooriyuhu ku hayo dhallinyaro badan oo reer Muqdisho ah.

“Waxaa nagu waajib ah in aan dhallinyaradeennu ka wacyigelinno wax walba oo maankooda dhibaato geysanaya,” ayuu yiri Duqa Muqdisho, isagoo intaas ku daray: “Inta aan xafiiska joogay waxa aan la kulmay dhallinyaro badan oo maandooriye la siiyay oo aad ka naxayso saameynta uu ku yeeshay noloshooda.”

“Aleylehe maanta waxa aan heynaa shiikhul beled,” sidaa waxaa yiri nin oday ah oo ka mid ahaa dadka khudbadda dhegeysanayay, waxa uuna intaa ku daray. “Weligay ma arag Duq Magaalo oo masaajid tacliiq ka jeedinaya.” “Waxa aan hubaa in uu yahay duq magaalo oo nagu habboon” ayuu ku soo gebagebeeyey hadlkiisa.

WQ. Cabdinaasir Iidle.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here