Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar ayaa Aqalka Dowladda Hoose kulan duco iyo baroor-diiq isugu jirtay ugu qabtay dadkii ku geeriyooday waxyeelladii ka dhalatay dhul-gariirkii xoogganaa ee ku dhuftay qaybo ka mid ah dalka Turkiga.
“Waxaan qorraxda u taagannahay inaan u muujinno walaaleen Turkiga inaan la xanuunsanayno, maadaama iyaguba ay nala xanuunsanayeen dhibaatadii aan ku jirna” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Banaadir oo kulanka ducada ah ka hadlay.
Ducadan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) iyo ku-xigeennada, xoghayaha guud, qaar ka tirsan culummada Soomaaliyeed iyo mas’uuliyiin kale.
Duqa Muqdisho ayaa sheegay in laxawga haya dadka Soomaaliyeed uu yahay mid caddeyn u ah Islaamnida naga dhexeysa iyaga iyo Suuriya oo dhul-gariir uu ku dhuftay.
“Saaka waxaan daawaday Aljazeera, geerida dadkii ku dhintay dhul-gariirkii Turkiga waxa ay maraysay 13,000 oo qof oo weli uu baadi-goobku socday, dhaawacyaduna waxa ay marayeen 60,000 oo qof, waana wax laga naxo” ayuu yiri Duqa Muqdisho. Waxa uu intaas ku daray in dadka ku dhintay Suuriya ay gaarayaan 3,000 oo qof, halka dhaawacyaduna ay caga-cageynayaan 6,000 oo qof.
Ugu dambeyn, Duqa Muqdisho ayaa sheegay in ducada qaayibka ah uu Alle aqbalo, wuxuuna Rabbi ka baryay in uu u naxariisto dadkii dhintay, kuna dhaawaca ahna uu caafiyo.