Rag la tuhunsan yahay inay ka tisan yihiin Al-shabaab, hub, iyo walxaha qarxa ayaa laga soo qabtay qaar ka mid ah xaafadaha magaalada Jowhar, kadib howlgallo ay sameeyeen ciidamada amaanka.
Howlgalka oo ay siwadjir ah u fuliyeen ciidamo isugu jira, nabadsugid iy kuwa boliiska sida gaarka ah u tababaran ee Haramcadka ayaa howl howlgallo baaritaano ah ka seeyay xaafadaha ay magaalada Jowhar ka booban tahay sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen saraakiisha amaanka.
Inta uu howlgalka socday ayaa lagu soo qabtay dhalinyaro looga shakiyay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaa, hub iyo miinada nooca dhulka la geliyo ee meelaha fog fog laga hago.
Wasaaradda amniga Mamulka Hir-Shabeelle ayaa bogaadisay howlgalka iyadoo sheegtay in sii wadadaan howlgaldda lagu xaqiijinayo amniga, waxeeyna bulshada ku nool magaalada jowhar ka dalbatay inay la shaqeeyeen ciidamanka amaanka.
Magaalada Jowhar ayaa waxaa ka dhacay falal amni darro, iyada oo sanadkii tegay ee 2020 lagu dilay tiro Xildhibaano ah, iyada oo Magaalada Jowhar ay kamid tahay meelaha la filayo inay ka dhacaan doorashoyinka labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.