Maamulka G/Banaadir oo ka Qayb-galaya Shirka Caafimaafka Maamul Goboleedyada oo ka furmay Dhuuso-mareeb: SAWIRRO

0
320

Agaasimaha Waaxda Caafimaadka Gobolka Banaadir, Mudane Cabdiraxmaan Axmed Maxamuud ayaa ka qayb-galaya shirka 5-aad ee Wada-tashiga Wasaaradda Caafimaadka XFS iyo Wasaaradaha Caafimaadka ee Dowlad-Goboleedyada oo maanta ka furmay magaalada Dhuusa-mareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug.

Shirkan oo socon doonta muddo labo maalmood ah ayaa ah midkii shanaad (5) oo ay yeeshaan wasaaradaha caafimaadka heer federal iyo heer dowlad-goboleed taas oo looga hadlayo horumarinta qaybta Caafimaadka guud ee dalka.

Madasha waxaa si wadajir ah u furay Madaxwaynaha dowlad-goboleedka Galmudug, mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-qoor) iyo Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Ali Haji Adan.

Inta madashu socoto ayaa lagu lafa-guri doonaa qodobbo waa-wayn oo horay uga soo baxay shirarkii ka kala dhacay Puntland, Jubaland iyo Gobolka Banaadir oo ahaa qodobbo asaas u ah horumarinta caafimaadka iyo ka dhabeynta ta hiigsiga dhaw ee isbeddelka caafimaadka iyo daryeelka bulshada.

Waxaa sidoo kale lagu soo bandhigayaa inta uu shirku socdo hawlaha hortabinta leh ee horyaala wasaaradaha caafimaadka dowlad-goboleedyada iyo Waaxda Caafimaadka Gobolka Banaadir wixii ka qabsoomey qodobadii horey hoosta looga xariiqay ee ay ka mid ahaayeen daadejinta barnaamijka Caafimaadka ee heer dowlad goboleed.

Madaxwaynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa sheegay in maamulkiisa uu ka go’an yahay horumarinta caafimaadka si bulsha-weynta Soomaaliyeed u helaan caafimaad dhamaystiran, iyadoo laga amba-qaadayo geeddiga horey u soo socday ee horumarinta caafimaadka dalka.

Ugu dambeyn, Wasiirka Caafimaadka XFS, Dr Cali Xaaji Aadan oo furayy shirka ayaa sheegeay in si dhab ah ay wasaaradda caafimaadka xukuumadda federaalka Somalia ula shaqeyn doonta wasaaradaha caafimaadka ee maamul-goboleedayada maadaama bushada Soomaaliyeed ay u baahi qabaan adeegyada caafimaadka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here