Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Albaabbada u laabay goobo lagu Isticmaalo Maandooriye: MUUQAAL

0
382

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Midane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo uu wehliyo ku-xigeenkiisa Amniga iyo Siyaasadda Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa xalay albaabbada isugu dhuftay dhawr goobood oo lagu isticmaalo mukhaadaraadka oo ay isugu yimaadaan wiilal iyo gabdho aad u da’ yar, kuwaasoo ku yaalla xeebta Liido ee degmada Cabdulcasiis.

Gabdhaha dhallinta yar ayaa la sheegay in markii goobahan ay galayaan aysan jirin wax lacag ah oo laga qaado, balse wiilasha galaya ayaa waxaa laga qaadaa lacag u dhexeysa 10-15 doollar midkiiba.

Hawlgalkan albaabbada loogu laabay goobahaas kaddib, waxaa warbaahinta la hadlay Mudane Yabooh oo sheegay in dhawr jeer ay goobahan la xiray ka keeneen cabasho maamulka degmada Cabdulcasiis iyo shacabka, sidaas awgeedna, dadka iska leh loo digay dhawr jeer, ayna fulin waayeen amarradii la siiyay, ayna ugu dambeyn gacantooda ku xireen.

“Dadka goobahan iska leh, horay ayaan ugu sheegnay in dalka oo dhan aan laga ogoleyn in mukhaadaraad lagu isticmaalo, lagu sameeyo ama looga ganacsado, hawshoodana muddo ayay socotay, waxaana ogaannay dadkaas in aysan diyaar u ahayn inay amarka Duqa Muqdisho iyo Hay’adaha Amniga Gobolka Banaadir u hoggaansamaan,” ayuu yiri Mudane Yabooh oo xeebta Liido kula hadlay warbaahinta.

Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir ayaa waxa uu sheegay in hawlgal uu horkacayo Duqa Muqdisho ay goobaha la xiray ku tageen, ayna ku arkeen waxyaabo la yaab leh oo aysan filayn.

Dhanka kale, Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa dhankiisa la hadlay warbaahinya, waxa uuna yiri: “Goobaha la xiray iyo kuwa kale aan weli la gaarin ee Muqdisho ku yaalla, caawa wixii ka dambeeya waa xiran yihiin ciddii furtana iyadaa mas’uul ka ah, waana la xisaabtamaynaa,” ayuu yiri Guddoomiye Madaale.

Duqa Caaasimadda ayaa sheegay in wixii ay xeebta Liido ku arkeen aysan ahayn wax qof bani’aadam ah uu u adkeysan karin, hawlgalka ay goobahaan ku xireenna ay gacantooda ku fuliyeen.

“Hawlgalka intii aan wadnay kooxihii ku sugnaa goobta waxay isku dayeen inay nala dagaallamaan, balse innaga waan iska ilaalinnay inaan adeegsanno wax hub ah. Qaar ka mid ah dadkaas waan xirnay, waxaana ka qaadnay hub kala duwan oo ay wateen, bastoolado ayay qaarkood wateen, kuwo kalena qoryo, waxaanan hubkaas ku wareejinnay ciddii mudnayd oo mas’uuliyaddiisa lahayd,” ayuu Duqa Muqdisho hadalkiisa ku daray.

Ugu dambeyn, Hawlgalkan ayaa noqonaya kii ugu horreeyay noociisa oo uu maamulka Gobolka Banaadir fuliyo, iyadoo Guddoomiye Madaale uu sheegay in hawlgalkan uu sii soconayo inta laga soo afjarayo goobahan, maadaama ay horay u sheegeen in cid walba oo mukhaadaraad ku lug leh ay ula dagaallami doomaan sida kooxaha Khawaarijta ay ula dagaallamaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here