Dibadbaxyo looga soo horjeedo dilka Muwaadin Soomaaliyeed ayaa weli ka socdo magaalada Minneapolis, kaas oo lagu dalbanayo in cadaalad uu helo marxuumka oo xaqdaro lagu dilay.
Buslshada Soomaalida iyo dad kale oo badan ayaa ayaa sugu soo baxeen wadooyinka waaweyn ee magaalada Minneapolis si ay muujinayeen dreekooda ku aadan sida ay uga xun yihin wiikal Soomaaliga ah ay boolisku ku toogteen bartamaha magaalada..
Dibadbaxayaasha ayaa dalbanayay in qoyska Doolaal Ciid ay cadaalad helaan, iyo in mustaqbalka aanay middaas oo kale soo laaban.
Jaaliyadda Soomaaliyeed ayaa si adag arintaas uga walaacay , waxeeyna sheegeen in carruurtooda ay u cabsanayaan, sidaas daraadeedna aanay ka tagayn waddooyinka illaa wax laga qabto dilka Doolaal Ciid oo ay ku tilmaameen inuu ahaa mid xaq daro ah.
Magaalada Minneapolis ayaa si weyn looga dareemayaa sameynta uu geestay dilka loo geystay Muwaadinka Soomaaliyeed, waxaana dadka maalintii saddexaad ay dhigayaan banaanbax ay uga soo horjeedaan dilkaas













