Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Mufane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo Maanta shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in wixii berri oo Isniin ah ka dambeeya aysan magaalada Muqdisho ka shaqeynayn Mooto aan midab lahay, isla markaana aan lahayn sumadaha A ama B.
Duqa Muqdisho Sheekh Yuusuf Madaale ayaa sheegay in nidaaminta Mooto Bajaajta ay Xukuumaddu u xil-saartay Maamulka Gobolka Banaadir, iyaguna ay fulinayaan amarkaas, aysanna yeelayn hadallada ay faafinayaan daneystayaasha aan ka naxayn dalka iyo dadka Soomaaliyeed.
“Qofkii mootadiisa calaamadeysta waa Ahlan Wasahlan.. waxaana sheegaynaa in wixii berri ka dambeeya aysan Xamar ka shaqeynayn Mooto aan sumad lahayn,” ayuu yiri Guddoomiye Madaale.
Dhanka kale, Duqa Muqdisho waxa uu xusay in ciddii sameysa mudaaharaad ama rabshado ay xabsiga dhigayaan, lalana tiigsan doono sharciga. Wuxuuna hadalkiisa ku daray in haddii hadallada daneystayaasha ay dhageysan lahaayeen aysan shaqo soo doonteen.













