Guddoomiye Madaale oo shir Amniga Caasimadda looga halday la yeeshay saraakiisha hay’adaha Amniga: SAWIRRO

0
357

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa guddoomiyay kulan gaar ah oo ku saabsan dardargelinta amniga Caasimadda, kaas oo ka dhacay xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar.

Kulankan, waxaa goobjoog ka ahaa guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda maamulka Gobolka Banaadir, Taliyaha Qaybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir, Taliyaha Nabadsugida iyo Sirdoonka Gobolka Banaadir iyo saraakiisha ciidanka booliiska ee sida millateriga u tababaran.

Ugu dambeyn, Duqa Muqdisho ayaa warbixin la xariirta Amniga Caasimadda ka dhageystay saraakiisha, asigoo kula dar-daarmay in la xoojiyo sugidda amniga iyo la dagaallanka maandooriyaha iyo kuwa caqabadda ku ah amniga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here