Duqa Muqdisho oo Deeq Lacageed u Qaybiyay Dadka Suuriyaanka ah ee ku nool Muqdisho: SAWIRRO

0
470

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta deeq lacageed oo ciid-siin ah siiyay qaar ka mid muwaadiniinta Siiriyaanka ah ee ku nool Magaalada Muqdisho si ay uga faa’iideystaan ka qayb-qaadashada farxada Ciidul Fidriga.

Guddoomiye Madaale ayaa qoysaska Siiriyaanka ku qaabilay xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar, isagoo deeqdaas lacageed kaddib u sheegay in Soomaaliya iyo Siiriya ay yihiin ummad walaalo ah isla markaana ay ka dhaxeyso xiriir wanaagsan oo soo jireen ah.

Ugu dambeyn, Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ugu baaqay Ganacsada Soomaaliyeed iyo dadka Alle wax siiyay inay kaalin ka qaataan garab-istaagga walaalaha kasoo jeeda Siiriya ee ku nool Caasimadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here