Lionel Messi oo Wacdaro ka dhigay Inter Miami iyo Neymer oo ku biiray koox ka dhisan Sucuudiga

0
455

Weeraryahanka reer Argentina ee Lionel Messi ayaa dhaliyay goolkiisii sagaalaad lixdii kulan ee uu u cayaaray kooxda Inter Miami ee dalka Mareykanka, iyadoo ay 4-1 ay kaga badiyeen kooxda Philadelphia Union, isla markaana u gudubtay kama-dambeysta koobka Leagues Cup.

Philadelphia, oo gaarta finalka MLS Cup sannadkii hore, isla markaana rikoor weyn ku leh gurigeeda, ayaa diyaar u ah inay noqoto tijaabadii ugu weyneyd ee Miami tan iyo markii uu weeraryahanka waddanka Argentina uu soo biiray.

Laakin kooxda martida aheyd ee Miami ayaa markale si dardar leh ku billowday ciyaarta kadib markii uu ordayay Josef Martinez uu dhaliyay gool seddex daqiiqo markii ay ciyaarta socotay kubad uu ka helay Serhiy Kryvtsov.

Messi ayaa ciyaarta ka dhigay 2-0 kadib markii uu daqiiqaddi 20-aad meel fog ka toogtay shabaqa kooxda Philadelphia.
Jordi Alba iyo David Ruiz ayaa dhaliyay goolasha kale ee Miami.

Miami ayaa dhalisay 21 gool lixdii kulan ee ugu dambeysay. Guusha ayaa sidoo kale la macno ah in Miami ay ciyaari doonto markoodii ugu horeysay abid ee koobka CONCACAF Champions League sanadka soo socda.

Neymar oo ku biiray kooxda Al-Hilal ee Dalka Sacuudiga

Dhanka kale, Neymar Jr ayaa heshiis labo sano ah u saxiixay kooxda ka dhisan Saudi Arabia ee Al-Hilal kadib lix sano oo uu la joogay kooxda Paris St Germain kaas oo weeraryahanka Brazil uu kula guuleystay koobab badan oo gudaha ah, balse ma uusan helin fursad uu qaado Champions League oo ay si aad ay u rabtay PSG.

Faahfaahinno dheeraad ah lagama bixin lacagta lagula wareegay 31-jirakan, balse waxaa lagu soo warramayaa inay ahayd ilaa 90 milyan oo Yuuro ($ 98.24 milyan).

Wargeyska Faransiiska kasoo baxa ee L’Equipe ayaa sheegay in heshiiska uu Neymar ku heli karo 160 milyan oo Yuuro.

Kooxda horyaalka Saudi Professional League (SPL) ee Al-Hilaal ayaa ku dhawaaqday in Neymar uu u saxiixay heshiis dhacaya 2025, iyadoo ciyaaryahankan waddanka Brazilian uu yiri, “Waxaan joogaa Sacuudiga, waxaan ahay Hilali” kadib muuqaal lasoo dhigay baraha bulshada ee kooxda.

Neymar ayaa PSG ku biiraay sanadkii 2017 markaas oo uu kasoo dhaqaaqay Barcelona, iyada oo lagu kala iibsaday lacag rikoorka adduunka ah oo dhan 222 milyan oo Yuuro.

Ugu dambeyn, Wuxuu dhaliyay 118 gool 173 kulan oo uu u saftay kooxda Paris waxana uu kula guulaystay koobab badan oo ay ku jiraan shan horyaal oo Ligue 1 ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here