SAWIRRO: Hawlgal Dhaqan-toosin ah oo xalay laga sameeyay Muqdisho iyo Agab ciidan oo la qabtay: MUUQAAL

0
410

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Mudane Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo uu wehliyo ku xigeenkiisa Amniha iyo Siyaasadda, Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), ayaa xalay wajigii labaad hawlgalka loogu magacdaray la dagaalanka maandooriyaha iyo dhaqan xumada ka fuliyay xalay xarumo ku yaalla degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.

Hawlgalkan oo la fuliyay xalay saqdii dhexe ayaa waxaa qayb ka ahaa Taliyaha Qaybta Booliiska Gobolka Banaadir, G/Sare Mahdi Cumar Muumin iyo guddoomiyaha degmada Hodan, Cali Axmed Faarax.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Madaale oo goob fagaare ah kula hadlay dhallinyaradii loogu tagay xarumaha anshax-xumadu ka socotay oo isugu jira wiilal iyo gabdho ayaa uga digay inay mar dambe isticmaalka maandooriyaha oo halis ku ah naftooda, isuguna yimaadaan goobahaan oo kale.

Ugu dambeyn, Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in xarun lagu magacaabo SABA ay ku qabteen 45 joog oo direyska ciidanka millateriga ah iyo sadeex qori oo AK-47 ah, laguna wareejiyay taliyaha Qaybta Booliiska ee Gobolka Banaadir Gaashaanle Sare Macallin Mahdi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here