Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo siyaasadda Gobolka Banaadir, Mudane Maxamed Axned Diiriye (Yabooh) oo ay wehlinayaan agaasimaha hawlaha guud ee Gobolka Banaadir iyo agaasime waaxeedyo ayaa kormeeray xarumaha lagu diiwaan-gelinayo mootooyinka loo yaqaan Bajaajta.
Guddoomiye Yabooh iyo xubnaha la socda ayaa waxay indha-indheeyeen sida ay ku socdaa hawlaha; diiwaan-gelinta, rinjiyeynta iyo sumadeynta Mooto Bajaajta, kaddib amarkii kasoo baxay Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale).
Indho-indheyn kaddib, waxa uu Mudane Yabooh warbixinno ka dhageystay mas’uuliyiinta hawsha waday, isaga oo kula dardaarmay inay dardar-geliyaan shaqada loo igmaday. Waxaana xilligaas xarumaha ay kormeereen safaf ugu jiray mootooyin fara badan oo sugayay in loo shaqeeyo.
Sidoo kale, Guddoomiye Yabooh ayaa eegay sida ay ku socoto diiwaan-gelinta Mooto Bajaajta, waxaana uu sheegay inaanay Muqdisho ka shaqeynayn Mooto aan lahayn sumad iyo diiwaan rasmi ah, isagoo xusay in fulinta amarkaan uu yahay mid waajib ah.
Dhanka kale, Toddobaadyo ka hor ayay ahayd markii golaha wasiirrada XFS ay soo saareen amar ah in Mootada saddexda lugood leh ew Bajaajta loo yeelo laba sumadood oo kala ah A iyo B, lana diiwaan-geliyo iyadoo hawshaas loo xilsaaray maamulka Gobolka Banaadir.
Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ku dhawaaqay in wixii ka dambeeya 24-ka bishan oo Maanta ku beegan aanay Muqdisho ka shaqeyn doonin Mooto Bajaaj aan summad lahay.














