Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay meel wanaagsan marayaan qorshaha la doonayo in Muwaasiniinta Soomaaliyeed ee ku xayiran Suudaan laga soo daad-gureeyo.
Ku-simaha xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda JFS, Cabdiraxmaan Nuur Maxamed (Diinaari) ayaa sheegay in dadaalka ay siyaasiyiinta Soomaaliyeed ugu jiraan samata-bixinta muwaadiniiteenna uu meel wanaagsan marayo, isagoo si gaar ah ugu mahad-celiyay dublamaasiyiinta Soomaaliyeed ee ka hawlgalayay safaaradaha dalalka dariska.
Sidoo kale, Cabdiraxmaan Diinaari ayaa sheegay in xadka Suudaan iyo Itoobiya maanta laga soo gudbin doono 200 oo muwaadin oo Soomaali ah, waxa uuna si gaar ah ugu mahadceliyay dowladda Kenya oo 19-ruux Somali ah ka qaadday Khartuum iyo dowladda South Sudan oo dadka Soomaaliyeed u fasaxday inay xadkooda yimaadaan una fududeynayaan safarkooda.
Danjire Diinaari ayaa ka codsaday dowladda Sacuudiga in dadka Soomaaliyeed ee haysta dhalashada dalkooda ay u fududeeyaan inay raacaan muwaadiniin-tooda.
Ugu dambeyn, Cabdiraxmaan Diinaari ayaa hay’adaha kala duwan iyo ganacsatada ugu baaqay inay gurmad u fidiyaan dadkooda oo ay qayb ka noqdaan sidii muwaadiniinta halkaas ku xanniban loo samata-bixin lahaa, si ay u helaan waxa ay u baahan yihiin.













