Maandooriye kala duwan oo lagu soo bandhigay saldhiga booliiska degmada Yaaqshiid: SAWIRRO + MUUQAAL

0
296

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo uu wehliyo ku xigeebkiisa Amniga iyo Siyaasadda ayaa saldhiga booliiska degmada Yaaqshiid ku kormeeray hawl-gal ay ciidanka booliska degmadu kusoo bandhigeen Maandooriye kala duwan oo ka kooban calaq iyo xashiish.

Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Ahmed Diiriye (Yabooh) ayaa bogaadiyay hawlgallada lagu ciribtirayo ka ganacsiga maandooriyaha, isagoo sheegay inay ula dagaallamayaan cid walba oo ku lug leh sida Khawaarijta.

Sidoo kale, Yabooh ayaa sheegay in isaga iyo guddoomiyaha ay isla garteen in hawshaan aan waaga loo bariisiin ee lasoo bandhigo isla caawa.

Guddomiye Madaale oo goobka hadal ka jeediyay ayaa sheegay inay dagaal aad u daran kula jiraan maandooriyaha iyo kuwa ka ganacaada, sameeya ama isticmaala, hawlgallada lagu ciribtirayana ay socon doonaan, inta laga waybayo Caasimadda iyo goobaha ku dhaw.

Ugu dambeyn, Maandooriyaha lasoo bandhigay ayaa waxay isugu jireen calaq ku jira jurgaanno iyo kuwo lagu diyaariyay caagag yaryar iyo xashiish jawaanno ka buuxa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here