AHLUSUNNA: Duqa Muqdisho waxa uu Anshax-darrada kula Dagaallamayaa ul barakeysan: SAWIRRO

0
659

Culumada Ahlusunna Waljaamaca ee Gobolka Banaadir ayaa taageeray tallaabooyinka Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) uu kula dagaallamayo anshax-darrada iyo mukhaadaraadka, iyagoo ka sheegay kulan ay Salaasadii shalay ku qabteen Muqdisho inay guddoomiye gacan ku siinayaan ciribtirka maandooriyaha iyo goobaha u furan in anshax-xumada lagu faafiyo.

Qaar ka mid culummadii hadallada jeediyay ayaa sheegay in tallaabadan ay tahay mid dhaqanka ummadda wax weyn looga qabanayo, isla markaana looga hortagayo dhaqan-xumo halaag u horseedaya ummada Soomaaliyeed.

“Tallaabadii uu Guddoomiye Madaale qaaday ee lagu xiray xarumaha fisqiga lagu sameeyo ee Liido ku yaalla, waxay ahayd tabbaalo soo daahday, waxaana ku baaqaynaa in arrinyaan la xoojiyo oo la xiro dhammaan goobaha fisqiga lagu samaayo,” ayuu yiri Sheekh Maxamuud Cabdi Baari.

Sidoo kale, culumaa’udiinkii kale ee ka hadlay kulanka ayaa sheegay in ushii u u adeegsaday Guddoomiye Madaale inuu ku suuliyo munkarka ay ahayd ul barakeysan, ayna dalbanayaan in halkaas laga sii la-dagaalanka munkarka iyo maandooriyaha, ummaddana laga badbaaadiyo halaag.

“Waxaan ka codsanaynaa kuwa ganacsi ahaanta u keena maandooriyaha iyo kuwa iibinaya inay Alle uga baqaan waxa ay dhaqaalaha ka raadimayaan, waayo wax ummadda dhibaateynaya ma ahan xalaal, waana inay ka digtoonaadaan” ayuu yiri Sheekh ka mid ah kuwii kulanka ka hadlay.

Ugu dambeyn, Kulankan culummadu ay ku taageereen tallaabada Duqa Xamar uu kula dagaallamayo maandooriyaha iyo goobaha fisqiga lagu hayo ayaa qayb ka noqonaya taageero iyo dhiirrigelin ka imaanaysa qaybaha bulshada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here