Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir, Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa abaalmarinno guddoonsiiyay degmooyinka ku guuleystay barnaamijka taariikhda dalka.
Mudane Yabooh ayaa munaasabad loo qabtay bixinta abaalmarinnadan ka sheegay in kaalimaha hore ay galeen saddex degmo oo ku yaalla qaybta Bariga ew gobolka Banaadir, waxayna kala yihiin; degmada Cabdulcasiis oo kaalinta 1-aad gashay, Kaaraan oo kaalinta 2-aad gashay iyo Shibbis oo kaalinta 3-aad gashay.
Tarrankan ayaa waxaa qabtay hay’adaha kala ah; Kulmiye, Asal TV iyo mu’asasada Banaadir Zone, waxaana ka qaybgalay dhammaan 17-ka degmo iyo saddexda deegaan ee uu ka kooban yahay Gobolka Banaadir.













