Maamulka G/Banaadir iyo Maamullada Dalka ka jira Qaar ka mid ah oo lagu Wareejiyay Gaadiid Caafimaad: SAWIRRO

0
369

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku wareejisay Maamulka Gobolka Banaadir iyo qaar ka mid wasaaradaha caafimaadka maamul-goboleeyada dalka ka jira gaadiid caafimaad oo ah nooca guurguura, kuwaas oo la sheegay in loogu adeegayo Hooyada iyo dhallaanka Soomaaliyeed ee ku nool meelaha ka baxsan magaalooyinka waa-weyn.

Gaadiidkan oo tiradoodu tahay 5-gaari ayaa waxaaywasaaraddu horay ugala wareegtay hay’adda Qaramada Midoobay ee UNFPA oo ka mid ah hay’adaha caafimaadka ee ka shaqeeya Soomaaliya.

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya, Cali Xaaji Aadan oo warbaahinta kula hadlay munaasabad kooban oo gaadiidkan lagu wareejinayay, ayaa sheegay in gaadiidkan caafimaad ee guurguura ay billow u yihiin kuwo kale oo badanna ay dhawaan kusoo xigsan doonaan.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa sheegay in laba ka mid ah gaadiidkaan loogu talo-galay Mamulka Jubbaland, mid lagu wareejiyay Maamulka Gobolka Banaadir, labada soo hartayna loogu kala deeqay Maamullada Hirshabeele iyo Koonfur-galbeed.

Ugu dambeyn, Tallaabadan ayaa lagu soo beegay xilli baahi weyn loo qabay gaadiid caafimaad oo guurguura si loo caawiyo hooyooyinka ka fog goobaha laga heli karo isbitaallada iyo sidii ubadka Soomaaliyeed ay u heli lahaayeen daryeel caafimaad oo dhaqso ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here