Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay soo dhaweyneysaa maleeshiyaadka iyo hor-joogayaasha kasoo baxaya safka Khawaarijta ee isku soo dhiibaya dowladda, kaddib markii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uu cafis u fidiyay qof kasta oo ay qaldeen cadowga oo doonaya inuu dadkiisa si nabad ah ugu laabto.
Toddobaadyadii ugu dambeeyay boqol isugu jira malleeshiyaad iyo hor-joogayaal muddo dheer ka tirsanaa Khawaarijta ayaa iska soo dhiibay deegaannada Galmudug, Hirshabeelle, Koofur Galbeed, Jubbaland iyo Muqdisho, kuwaas oo soo dhaweyn iyo daryeel ka helay dowladooda, sidoo kalena ka badbaadey shartii ay u diyaarinayeen Khawaarijta.
Dowladda Soomaaliya waxa ay ku dhiirri-gelinaysaa dhallinyarada ay Khawaarijtu qaldeen in ay isku soo dhiibaan dowladooda, sidoo kale dowladdu waxa ay bogaadineysaa kaalinta waaliddiinta Soomaaliyeed ay ka qaateen in ay caruurtooda ka soo reebaan Khawaarijta.
Ugu dambeyn, Dowladda Somalia waxaa ka go’an ciribtirka Khawaarijta, kuwa ka dhaga-adeyga in ay ka faa’iidaystaan fursaddaan waxa ay wajihi doonaan cadaaladda waxa ayna mari doonaan jidkii ay mareen kuwii ka horeeyay ee ku baxay gacmaha hay’adaha amniga iyo kuwa Caddaaladda ee Soomaaliya.













