Waaxda Nadaafadda iyo Bilic soo celinta Maamulka Dowladda Hoose ee Xamar iyo Waaxda Hawlaha Guud ee Gobolka Banaadir ayaa caawa hawlo nadaafadeed ka fuliyay waddada Maka Al-Mukarama, kaddib roobabkii xoogganaa ee dhawaan ka da’ay Caasimadda.
Hawshan nadaafadeed ayaa waddada looga qaadayaa ciid iyo waxyaabaha kale ee ay waddada uga tageen daadadkii roobabka ka dhashay, kuwaasoo caqabad ku noqoday gaadiidka waddadaas isticmaala.
Maamullada degmooyinka uu maro jidka Maka Al-mukarama ayaa qayb ka ahaa hawsha nadaafadeed ee laga fuliyay waddadaas, iyadoo tani qayb ka tahay dib u nadiifinta waddooyinka Caasimadda.
Agaasimaha Waaxda Nadaafadda iyo Bilic aoo celinta Dowladda Hoose ee Xamar, Maxamed Suudi Maxamuud ayaa sheegay in iyagoo gacan ka helaya maamullada degmooyinka iyo shacabka Muqdisho au nadiifiyeen waddadan oo ka mid ah kuwa halbowlaha u ah isku socodka gaadiidka.
Ugu dambeyn, Tan iyo Maalintii Jimcaha ahayd ee ay roobabka culusi ka da’een Muqdisho, Waaxda Nadaafadda Gobolka Banaadir waxa ay ku hawlanayd nadiifinta biyihii iyo ciiddii ay roobabku dhigeen qaar ka mid waddooyinka Magaalada Muqdisho.





























