Guddoomiye Madaale oo Mamnuucay Isticmaalka iyo iibinta Maandooriyaha: SAWIRRO + MUUQAAL

0
472

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa mamnuucay isticmaalka iyo ka ganacsiga shiishadda, taabuugga, qamriga, calaqa iyo xashiishka, Guddoomiyaha ayaa sidoo kale amray in xiliga habeenka wixii ka dambeeyay 12:00 habeennomo aysan furnaan karin goobaha lagu caweeyo.

Amarkan ayuu Duqa Muqdisho ka sheegay kulan uu Xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar kula qaatay ganacsatadii lahayd xarumihii dhawaan uu xiray Maamulka Gobolka Banaadir.

Kulankan maanta lala qaatay ganacsatada ka ganacsanaysay maandooriyaha waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir, Mudane Maxamed Ahmed Diiriye (Yabooh).

Ugu dambeyn, Tallaabadan ayaa qayb ka ah dagaalka lagula jiro Maandooriyaha oo uu horay ugu dhawaaqay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here