Agaasimaha Guud ee Nadaafadda iyo Bilic soo celinta Dowladda Hoose ee Xamar, Mudane Maxamed Suudi Maxamuud ayaa kormeeray waddada Fagax oo ay ka socotay hawl nadaafadeed iyo biya-dhaamin ay ka wadeen hawl-wadeennada Dowladda Hoose ee Xamar.
Ujeeddada kormeerkan ayaa ah mid uu agaasimaha ugu kuur-galayay fulinta amarka Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ee la xariira dib u hagaajinta waddada Fagax oo ka mid waddooyinka ugu mashquulka badan ee Caasimadda, isla markaana isku xirta degmooyinka qaybta Bari ee Caasimadda.
Ugu dambeyn, Hawshan nadaafaeed ayaa daba socota hawlo nadaafadeed oo ay waaxda bilic soo celinta Dowladda Hoose ee Xamar ay kawaddo Caasimadda dalka, kaddib roobabkii xoogga ee Muqdisho ka da’ay.