Guddoomiye Madaale oo ka Qayb-galay Bandhigga Buug ay Qortay Gabadh aad u da’yar: SAWIRRO + MUUQAAL

0
313

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ka qayb-galay bandhigga buugga Rumeenta Hankaaga, si uu u dhiirrigeliyo qoraaga buugaas, Yamda Maxamed Cabdalla oo ah gabar da’ yar ah oo waqti gelisay sidii ay u soo saari lahayd buuggaas.

Duqa Muqdisho, Mudane Madaale ayaa boogaadiyay dadaalka ah in xoogga la saaro qorista Afka Hooyo, isaga oo tilmaamay in buugga Rumeenta Hankaaga uu yahay mid taabanaaya qof weliba oo bini’aadam ah, si loo rumeeyo hanka, waxa uuna ku dhiirrigeliyay da’yarta soo koreysa in ay badiyaan akhriska iyo qorista, si ay maskaxdooda u kobocdo.

Sidoo kale, Wuxuu da’ yarta Soomaaliyeed kula dardaarmay in ay ilaaliyaan dhaqanka suuban iyo akhlaaqdooda, isla markaana ay ka fogaadaan wax walbaa oo anshax-xumo ah, si uu mustaqbalkooda u noqdo mid wanaagsan.

Ugu dambeyn, Munaasabadda bandhigga buugga Rumeenta Hankaaga, waxaa goob-joog ka ahaa qaar ka mid ah guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Banaadir, agaasimayaal, madax ka socotay akadeemiyada afka Soomaaliga, bahda waxbarashada, qorayaal, abwaanno iyo marti-sharaf kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here