Duqa Muqdisho oo ka Qaybgalay Baroor-diiq iyo Duco loo sameeyay shacabkii ay Khawaarijtu ku xasuuqeen Xeebta Liido: SAWIRRO

0
219

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ka qayb-galay kulan duco iyo baroordiiq ah oo ay Haweenka Qaranka Soomaaliyeed “HOOYO U HIILI QARANKA” u sameeyeen shuhaddadii todobaadkii hore ay kooxaha Khawaarijta ku xasuuqeen xeebta Liido ee degmada Cabdicasiis.

Duqa Muqdisho, Madaale ayaa Haweenka Soomaaliyeed ku amaanay doorka ay ka qaataan taageerada ciidanka Qaranka Soomaaliyeed iyo dagaalka lagula jiro Kooxaha Khawaarijta, asigoo sheegay in ololaha “HOOYO U HIILI QARANKA” laga rabo in uu gaaro meel weliba si kooxaha Khawaarijta loogula dagaallamo goob weliba.

Haweenka ayaa aad ugu dhiidhiyay dhacdadii Khawaarijtu ay ku xasuuqeen toddobaad hore shacab aan waxba galabsan oo ku sugnaa xeebta Liido ee degmada C/casiis, iyagoo ballan-qaaday in ciidamada Qaranka ay gacan ku siinayaan dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta.

Ugu dambeyn, Munaasabada waxaa goob-joog ka ahaa Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir, Md. Maxamed Axmed Diiriye Yabooh, madaxda haweenka Soomaaliyeed ee heer Qaran iyo heer gobol iyo ururrada Haweenka degmooyinka gobolka Banaadir.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here