Munaasabad ay safaaradda Talyaaniga uu ku leeyahay Soomaaliya ku wareejinaysay gaadiid ay dowladda Talyaaniga ugu deeqday booliiska Soomaaliya ayaa maanta lagu qabtay Muqdisho.
Wasiir-u-dowlaha Wasaaradda Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cali Xagaa iyo Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliya, Jen. Sulub Axmed Firin ayaa ka qayb-balay munaasabadda.
Taliyaha booliiska Soomaaliyeed Jen. Sulub oo ka hadlay munaasabadda ayaa uga mahad-celiyay dowladda Talyaaniga taageerada ay siiso ciidamada booliiska.
Safiirka Talyaaniga ee Soomaaliya, Mr. Roberto Vechi ayaa sheegay inuu Talyaanigu taageerayo codsiga madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uu u jeediyay madaxda Talyaaniga si ay gacan uga geystaan hawlgallada ka dhanka Khawaariijta.
Ugu dambeyn, Wasiir-u-dowlaha Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cali Xagaa, ayaa ka mahad-celiyay taageerada iyo garab-istaagga dowladda Talyaanigu siiyo ciidamada Amniga Soomaaliya.
















