Guddoomiye Muungaab oo Dhagax-dhigay Dugsi Waxbarasho oo u gaar ah Gabdhaha Soomaaliyeed: SAWIRRO

0
153

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa dhagax-dhigay dugsi waxbarasho oo u gaar ah gabdhaha Soomaaliyeed, kaasoo laga hirgelinaayo degmada Heliwaa ee magaalada Muqdisho.

Duqa Caasimadda ayaa sheegay in ay ka goโ€™an tahay horumarinta waxbarashada, waxa uuna xusay in dugsigan uu noqon doono mid si gaar ah loogu horumariyo aqoonta gabdhaha, si ay door ugu qaataan horumarinta bulshada.

Munaasabadda dhagax-dhigga ah waxaa goob-joog ka ahaa Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir, guddoomiye ku-xigeenka hawlaha guud ee gobolka Banaadir, guddoomiyaha degmada Heliwaa, agaasimeyaal, bahda waxbarashada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here