SAWIRRO: Muwaadiniin Soomaaliyeed oo kasoo baxsaday Colaada Dalka Sudan oo Xalay la keenay Muqdisho: MUUQAAL

0
350

Dowladda Soomaaliya ayaa xalay dalka dib ugu soo celisay dalka Muwaadiniin kale oo Soomaaliyeed oo ka baxaaday colaadaha ka socda dalka Suudaan, kuwaasoo laga soo qaaday Magaalada Juba ee xarunta dalka Koonfurta Suudaan, kuwaasii laga soo dajiyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Mudane Abshir Cumar Jaamac (Huruuse) oo Madaarka Muqdisho kusoo dhaweeyay muwaadiniinta Soomaaliyeed ayaa xusay inay waajib Qaran tahay howsha ee dalka loogu soo celinayo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan gudaha dalka Suudaan iyo kuwa u cararay dalalka jaarka la ah.

“Waxaan u mahadcelinayaa cid walba oo ka qayb-qaadatay sidii dalkooda loogu soo celin lahaa muwaadiniinta Soomaaliyeed ee laga soo samata-bixiyay dalka Suudaan oo ay colaado ka jiraan,” ayuu yiri Wasiir Abshir Cumar Haruuse.

Muwaadiniinta xalay la keenay Muqdisho ayaa waxa ay tiradoodu ahayd 92 ruux, waxaana mas’uuliyiintii soo dhaweeyay ka mid ahaa; Wasiirka Arrimaha Dibadda, Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada, Wasiir-u-dowlaha Arrimaha Dibadda, xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibeadda iyo Ergayga Gaarka ah ee Arrimaha Carruurta iyo Xuquuqda soo galootiga.

Muwaadiniinta dalka dib loogu soo celiyay waxa ay isugu jireen; Haween, Caruur iyo arday waxbarasho u joogay dalka Sudan, kuwaasoo daal fara badan uu ka muuqsay, waxa ayna qaarkood sheegeen in ay aad ugu faraxsan yihiin inay dalkooda kusoo laabtaan, iyagoo ka mahad-celiyeen dadaalka badanna ee lagu bixiyay sidii ay dalkooda ugu soo laaban lahaayeen.

Dhanka kale, Ergayga Arrimaha Carruurta iyo xuquuqda soo-galootiga u qaabilsan Madaxweynaha JFS, Marwo Maryan Yaasiin Xaaji oo hadal ka jeedisay goobta ayaa ganacsatada Soomaaliyeed iyo hay’adaha ee ka qayb-qaatay uga mahad-celisay doorkii ay ku lahaayeen soo-celinta muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn, Muwaadiniinta 24-kii saac ee ugu dambeeyay lagu soo celiyay dalka waxa ay tiradoodu dhan tahay; 229 qof, kuwaas oo 64 ka mid ahaa laga dajiyay garoonka diyaaradaha Garoowe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here