DAAWO MUUQAAL: Agaasimaha Cusub ee Waaxda Shaqada Dowladda Hoose ee Xamar oo xilka la Wareegay: SAWIRRO

0
520

Guddoomiye ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir, Mudane Ciise Maxamuud Guure ayaa maanta xilka u kala wareejiyay agaasimihii hore ee waaxda shaqada iyo shaqaalaha maamulka Gobolka Banaadir iyo agaasimaha cusub ee waaxdaas.

Agaasimaha cusub ee waaxda shaqada iyo shaqaalaha maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar, Mudane Xuseen Cabdullaahi Xasan ayaa xilka kala wareegay agaasimihii hore ee waaxdaas, Mudane Muuse Sheekh Cali Eybakar.

Munaasabadda xil-wareejinta oo ka dhacday Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ayaa waxaa goobjoog ka ahaa agaasimeyaal guud, agaasime waaxeedyo iyo hawlwadeenno kale oo ka tirsan maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar.

Gabagabadii Munaasabadda ayaa waxaa hadal kooban oo isugu jirtay mahadcelin iyo dardaaran halkaas ka jeediyay guddoomiye ku-xigeenka maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir, Mudane Ciise Guure oo ugu mahadceliyay agaasimihii hore ee waaxda shaqada iyo shaqaalaha hawshii adkeyd oo uu kasoo qabtay xafiiskaas, isagoo dhinaca kale kula dardaarmay agaasimaha cusub ee waaxda in la dardargeliyo hawlaha xafiiska shaqada iyo shaqaalaha oo ka mid ah xafiisyada ugu muhiimsan maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here